Apr 13, 2009 By:Jidbaale.com
Nairobi(www.jamacade.hi5.com):-Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13.04.09 shir ballaadhan isugu yimid magaalada Nairobi ee Xarunta waddanka Kenya jaalliyadda ku abtirsata gobollada SSC, Garaadka Guud Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Afhayeenka Ururka NSUM Cismaan Xasan Iyo Gen. Maxamed Aadan Laangadhe, oo isagu ah xubin ka tirsan qurba joogta deegaanka SSC, waxa kale oo kulankan ka soo qayb galay Xildhibaano ka socday dawladda Federaalka Oo ay ka mid yihiin Xildhibaan C/raxmaan Ismaaciil Iyo Xildhibaan Ibraahim Maxamed Deeq. Bilowgii shirka ayaa waxaa Ayaado Qur'aanka Kariimka ah ku bilaabay Sheekh cumar Maxamed Muuse{Dariiqe}, Sh. Dariiqe wuxuu sheegay in in ay diinta Islaamku bannaysay in la aargoosto, haddii qolo ka mid ah ay dadka ku soo duulaan, wuxuu sheegay Sheekhu in ay danbigas ay dusha u ridan doonaan kuwa soo duulay, ee u soo hayaamay in ay dhulal kale iyo dadkale Barakiciyaan.
Intaas ka dib waxaa hadalka lagu soo dhaweeyey Maxamed Maxamud{Suufi} Wuxuu sheegay Oday Suufi in xaaladda hadda lagu jiro ay Muhiim tahay in la midoobo, loona istaago Difaacadda dalka iyo dadkaba. Sidoo kale waxaa halkaas hadal gaaban ka jeediyey Afhayenka NSUM Dr. Cismaan Xasan, Wuxuu ka warramay halganka dheer ee ururkoodu ku jiro, wuxuuna sheegay in ay guulo badan gaadheen, wuxuuna tusaale u soo qaatay waraaqdii ay dhawaantan u direen dawladda Ingiriiska, taasoo jawaabteedu ay noqotay in ay boqortooyada Ingiriisku ay caddaysay in Midnimada Soomaaliya lama taabtaan tahy, wuxuu hadalkiisa ku so gabogabeeyey Dr. Cismaan in loo baahan yahay "hadal yar iyo hawl badan", wuxuuna meesha ka saaray in aan la isku hallayn cid ka baxsan Dhulbahante dhexdiisa.
Intaas ka dib waxaa Mikirifoonka qabsaday General Maxamed Aadan Laangadhe, oo hadal Qiiro leh ka soo jeediyey goobtaasi, Jananku wuxuu sheegay in aysan doonayn in ay cid dulmiyaan, balse taa baddelkeeda aysan dulmi u dulqaadan doonin, wuxuu sheegay in Gacmaha la is qabsado, isla markaana loo hawl galo sidii wax badan loo qaban laha. Jananku wuxuu ku nuux-nuuxsaday in ay Midnimadu Muqaddas tahay, isla markaana aan la sugin Cid kale ee la isku tashado, isla markaana ficil lagu daro.
Ugu danabaynti waxaa hadal dheer soo jeediyey Garaadka Guud ee beelaha SSC Garaad Jaamac Garaad Cali Graad Jaamac, Garaadku wuxuu ugu horrayn ka warramay xaaladda guud ee dalkii k jirtay maadama uu dalkii ka yimid dhawaan, warbixin guud ka dib wuxuu sheegay in loo baahan yahay Talo deg-deg ah, isla markaana la Aasaaso Jaranjaro lagu fuulo meel kasta.
Garaadku wuxuu sheegay in aysan doonaynin Dhiig Muslim qofkii doonaana uusan wanagsanayn, laakiin wuxuu ka digey in la Kallifo, wuxuu sheegay "In aysan taariikhda meella kaga oollin meel ay ku noqdeen waxa loogu yeedho S/land, wuxuuna sheegay in ilaa bilawgii gumaystaha ilaa dhammaad aysan jirin meel ay kula heshiiyeen".
Garaadku wuxuu is waydiiyey maadama aan diidney Dawladdii Ingiriiska bal sida ay ku ogolaan karaan dadkii Raaciyadda u ahaa?. Wuxuu sheegay Garaadku in waxaa la isku hayaa ay tahay Qaddiyad Soo bilaabatay 80 sano ka hor, wuxuuna isagoo faah faahinaya sheegay in ay ku qotonto Midnimadda Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay Garaadku in ay Midnimadda Soomaliyeed Muqaddas tahay, isla markana aysan marnaba yeelayn in kala go'do Soomaali, wuxuu sheegay in ay Qaddiyadda Soomaaliyeed u soo halgamayeen muddo ka badan 20 sano, haddana ay diyaar u yihiin in ay difaacaan.
Garaadku wuxuu ugu dambaynti shacabka SSC ugu baaqay Midnimo iyo in ay u diyaar garoobaan Hawl horu socod ah, wuxuuna ka digey in aan la is ilaawin, wuxuu sheegay Garaadku in uu diyaar u yhay in lala shaqeeyo cidkasta oo wadda danta SSC, isagoo sheegay in waxii loo doortay ay tahay danta Umadda, wuxuu sheegay in Codka SSC loo baahan yahay in uu noqdo mid muuqda, iyagana si toos ah uga soo go'a.
Isku soo wada duuboo shirkan ayaa waxa uu ahaa mid si weyn u Agaasinaa, isla markaana ku soo dhammaaday jawi fiican, dadweynihii ka soo qayb galay shirka oo isugu jirey dadweyne kala geddisan ayaa wuxuu ahaa mid dadka shucuubtiisa soo jiitey
Warbixinta DarwishMedia
Nairobi Kenya.